Dhismaha Gollaha deegaanka Degmada Waajid oo laga shiray

16

Degmada Waajid waxaa ka bilowdey wajigii koowaad kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin Odayasha dhaqanka beelaha dega Degmada iyo Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo shalay gaarey Degmada.

Kulanka ayaa looga arrinsanayay habka saami qeybsiga kuraasta gollaha deegaanka Degmada Waajid oo dhismihiisa uu socdo, si loo helo golle deegaan oo loo dhanyahay.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Cabdi oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu yahay wadatashi lala yeelanayo odoyaasha dhaqanka ee Degmada Waajid, si loo qeybsado dhismaha Gollaha deegaanka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.