Xiisad la xariirta Faransiiska oo ka dhex qaraxday dowladda iyo Islaamiyiinta Pakistan

13

Kow iyo toban sarkaal oo boolis Pakistani ah, oo ay qabsadeen taageerayaasha koox Islaamiyiin ah oo mayal-adag oo wada olole la doonayo in safiirka Faransiiska dalka looga eryo, ayaa lasii daayey, sida ay maanta sheegeen saraakiil.

Saraakiishan ayaa waxaa Axaddii afduubtay taageerayaasha kooxda Tehreek-e-Labbaik Pakistan (TLP) intii uu socday dibad-bax rabshado wata oo ka dhacay magaalada Lahore.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan Sheikh Rashid Ahmed ayaa sheegay in booliska lasii daayey maanta kadib “wada-xaajood” lala galay TLP, oo dowladda ay mamnuucday toddobaadkii tegay kadib markii ay ku calaameysay urur argagixiso.

Saraakiisah ayaa waxaa lagu hayey masjid ay ku xooggan yihiin TLP oo ku yaalla magaalada Lahore, kaasi oo ay hadda ka buuxaan taageerayaasha, booliskana ku hareereysan yihiin.

“Wada-xaajoodyo ayaa lala billaabay TPL; wareeggii koowaad waxay kusoo dhammaadeen guul. Waxay sii daayeen 11 boolis,” ayuu Sheikh Rashid Ahmed ku yiri Video lasoo dhigay twitter.

Waxa uu intaas ku daray in wareegga labaad ee wada-xaajoodyada ay dhici doonaan goor dambe oo maanta ah, inkasta oo aysan caddeyn waxa ay ka wada hadli doonaan.

Kooxda TPL ayaa horey ugu qabatay 20-ka April in dalka laga eryo safiirka Faransiiska.

Kooxdan ayaa ka dambeysay olole ka dhan ah Faransiiska oo bilooyin socda tan iyo markii madaxweyne Emmanuel Macron uu difaacay “xuquuqda” uu wargeyska Charlie Hebdo u leeyahay inuu daabaco sawirro lagu shabahayo Nebiga NNKH, taasi oo aysan diinta Islaamka ogoleyn.

VOA