Iran oo shaacisay shakhsi loo heysto weerarkii cuslaa ee xarunteeda Nukliyeerka

10

Telefishinka dowladda Iiraan ayaa magacaabay nin ay sirdoonka dalkaas sheegeen inuu ka dambeeyay weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday xarunta nukliyeerka Natanz.

Reza Karimi ayaa ka qaxay Iiraan wax yar kahor qaraxa, sida uu sheegay Network One, oo soo bandhigay sawirka ninka oo uu telefishinku sheegay inay doon doonayaan booliiska Interpol.

Interpol ayaa sheegtay inaysan xaqiijin karin in Mr Karimi uu ku jiray liiskeeda cas ee dadka la doon doonayo.

Iiraan ayaa weerarka ku eedeysay Israa’iil waxayna kordhisay howlaheeda nukliyeerka.

Israa’iil ma aysan xaqiijin mana beenin inay ku lug leedahay weerarkaas, balse raadiye dadweyne oo Israa’iil laga leeyahay ayaa ilo sirdoonka ah ka soo xigtay inuu ahaa howlgal dhanka internet-ka oo ay fuliyeen Mossad.

Weerarka ayaa ku soo beegmay wax kahor Iiraan oo lagu waday inay ka qeyb qaadato wada hadallo looga gol lahaa soo celinta heshiiska nukliyeerka 2015 ee ay la gashay Mareykanka, UK, Faransiiska, Shiinaha, Ruushka iyo Jarmalka.

Heshiiska ayaa looga gol leeyahay in looga hortago in Iiraan ay horumariso hubkeeda nukliyeerka, taas oo ay Iiraan beeniso inay u gol leedahay. Israa’iil ayaa ka soo horjeesatay heshiiska, iyadoo sheegtay inuusna ka hortageyn in Iiraan ay yeelato hubka nukliyeerka.