Duqa Muqdisho Oo Xariga Ka Jaray Dib U Dhiska Garoonka Qoob-Dooro Ee Kaaraan

20

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray garoonka kubadda cagta Qoob-dooro degmada Karaan ee gobolka Banaadir.

Cumar Filish ayaa sheegay in dib u dhiska garoonkan ay iska kaashadeen maamulka gobolka Banaadir iyo hey’adda TISPLUS, isagoo xusay in garoonka uu hadda diyaar u yahay inkastoo dayactirka wajigii koowaad la soo gabagabeeyay.
Waxaa uu sheegay in garoonka uu u baahan yahay in lagu goglo cawska macmalka ah iyo nalalka waa weyn si habeenkii loogu ciyaaro.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale, tilmaamay garoonka Qoob-dooro uu kamid yahay garoomada ciyaaraha ee ugu waa weyn caasimadda Muqdisho isla markaana dhalinyaro badan soo saaray.