Madasha Badbaado Qaran Oo Shaacisay Inay Qaadeyso Tallaabo Lagu Joojinayo Muddo Kordhinta

1

Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Puntland iyo Jubbaland, Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa si kulul uga hadlay muddo kordhinta ay Xildhibaanada Golaha Shacabka u sameeyeen hay’addaha dowladda ee waqtigoodu dhammaaday iyo Madaxweyne Farmaajo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha ayaa waxaa  lagu shaaciyay inuu sharci darro yahay Go’aankii ay qaateen Xildhibaanada ee labada sanno loogu kordhiyay hay’addaha dowladda iyo Farmaajo, uuna sharcigaas waxba kama jiraan yahay.

Madasha Badbaado Qaran ayaa tilmaamtay in Go’aankaas uu halis ku yahay xasiloonida, nabadda iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay isku day lagu hor istaagayo dadaalada lagu baadi goobayo doorasho heshiis lagu yahay.Sidoo kale Madasha ayaa caddeeysay inay qaadeyso tallaabo kasta oo lagu joojinayo in muddo kordhinta sharci darrada ah ee masiirka dalka lagu afduubo, ayna ka shaqeyn doonaan sidii xal loo heli lahaa.