Beesha Caalamka oo madaxda Soomaalida ku caddaadinaysa in ay dib ugu laabtaan shirkii Afisyooni

1

Iyadoo natiijo la’aan uu ku soo dhammaaday shirkii u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee teendhada Afisyooni, ayaa waxaa socda dedaalo waddo beesha caalamka, ku waa oo ku aadan sidii markale la isugu imaan lahaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Beesha Caalamka ay kulamo gaar gaar ah la qaadanayso madaxda Soomaalida, waxaana ay ku cadaadinayaan in markale la isugu yimaado shirka wadatashiga ee arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ay dowladdu ku eedeysay in aysan diyaar u aheyd doorasho ka dhacda dalka sababna u yihiin fashilka shirka ayaa kulan la qaatay xubnaha Beesha Caalamka.

Dhinaca kale, Beesha caalamka ayaa kulamo la qaadanaysa madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada kale si shirka markale la isugu soo laabto.