Faah Faahin:-Qarax Lala Beegsaday Taliye Ciidan Oo Ka Dhacay Shabeellaha Dhexe

11

Wararka aan ka helayno Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku warramaya in saakay halkaasi uu ka dhacay qarax, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan qaraxaasi.

Wararku waxaa ay timaamayaan in Qaraxu oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana si gaar ah uu uga dhacay deegaanka Buurane ee gobolka Shabellaha dhexe.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Gaari uu la socday taliyaha deegaanka Buurane, ee Gobolka Shabeellaha dhexe, Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday gaariga taliyaha deegaanka iyo ciidamo ilaalo u ahaa.

Waxaa qaraxa kadib xigtay rasaas culus oo ay tilmaameen in ay rideen ciidamada ilaalada ahaa. Ee qaraxa lala beegsaday.

Deegaanka Buurane oo qiyaastii 3Km ujira degmada Mahadaay waxaa saldhig ku leh ciidamo katirsan soo duulayaasha AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.

Ilaa iyo haatan lama soo werin wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxa,iyada oo saakay Alshabaab ay weerar toos ah iyo qaraxyo ku qaadeen deegaanka Buurane ee gobolka Shabeellaha dhexe.