Shirkii maanta ee DF iyo D/Gobolleedyada oo Natiijo la’aan ku soo dhammaaday

6

Waxa natiijo la’aan ku dhammaaday Shirkii u dhexeeyay dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Dhinacyada ayaa maanta dood adag ka yeeshay arrimaha ku saabsan ka qayb-galka iyo Ajandaha Shirka guud ee doorashooyinka dalka, inkastoo aan wax horumar ah laga samayn dhammaan Qodobadii laga dooday.

Dhinacyada isku mari waayay in ajandaha lagu soo daro doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cida mas’uuliyadda leh.

Intaas kadib, dhinacyada ayaa isla gartay in shir dambe la isugu soo laabto, balse waqtiga rasmiga ee shirkaasi lama sheegin.

Dhowaan qoraal ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland in aysan diyaar u aheyn doorasho dalka ka dhacda.

Marka laga soo tago eeda dowladda Soomaaliya, Jubbaland iyo Puntland ayaa weli ka hadlin sababaha keenay in shirkaasi natiijo la’aan ku soo dhammaado.