Hay”adda Amnesty international oo ka soo horjeesatay in kenya ay xirto xeryaha qaxootiga

2

Hayadda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo saartay warbixin ay uga soo hor jeedsatay go’aanka ay dowladda Kenya ku sheegtay inay xireyso xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma.

Laanta ay hay’addan caalamiga ah ku leedahay dalka Kenya ayaa ka digtay in tallaabadaas ay dowladdu ku dhaqaaqdo waxayna sheegtay in ay tahay arrin khilaafsan xeerka adduunka.

Amnesty ayaa sheegtay in tallaabada noocaas ah ay masiibo bani’aadannimo u horseedi karto caalamkan la daalaa dhacay xanuunka Covid-19.

Dhawaan ayuu Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka ee Kenya shaaciyay qorshaha ay dowladdiisu ku dooneyso in si deg deg ah albaabbada la isugu dhufto xeryahaas kaddib markii uu sheegay in ay halis ku yihiin amniga waddankiisa.

Hase ahaatee qoraalka kasoo baxay Amnesty ayaa lagu sharraxay saddex arrimood oo Kenya ka hor istaagaya inay soo afjarto martigalinta qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma.

Mas’uulka Amnesty International u qaabilsan Soomaaliya, Cabdullaahi Xasan, oo loo yaqaanno Cabdullaahi Soomaali, ayaa BBC-da u faahfaahiyay qodobbada ugu muhiimsan warbixinta ay soo saartay hay’addooda.

Wuxuu sheegay in ururkan u ololeeya xuquuqda aadanaha ay hoosta ka xariiqeen in aan la aqbali karin xiritaan lama filaan ah oo mar qura albaabbada la isugu dhufto xeryaha.

“Hayadda Amnesty waxay aad uga soo hor jeeddaa baaqii kasoo baxay Kenya ee ahaa in ay muddo 14 maalmood gudahood ah ku xireyso xeyaha Kakuma iyo Dhadhaab,” ayuu yidhi Cabdullaahi Soomaali

Wuxuu sheegay in aysan jirin wax caddeynaya cabsida ay Kenya sheegtay inay amnigeeda halis ku yihiin xeryaha.

“Arrinta ay ku marmarsiyootay Kenya ee ah in ay qaxootiga ku nool Dhadhaab iyo Kakuma khalkhal galinayaan amniga dalka ma jirto wax caddeyn ah oo ay u heysto Amnesty. Haddii ay jirto caddeyntaasna dowladda Kenya iyada ayaa looga baahan yahay in ay soo bandhigto.

xigasho:- BBC