Booliska Malawi oo gacanta ku dhigay dad ay ku jiraan Soomaali

4

Booliska dalka Malawi ayaa ku qabtay magaalada Kasungu 3 qof oo Soomaali ah iyo ruux Ethiopian ah oo la sheegay inay ahaayeen kuwa Tahriibayaal ah.

Booliska waxa ay sheegeen inay ku raad joogaan gaari kale oo wada koox Tahriibayaal Malaawiyaan ah.

2dii bishi March ee sanadkaan ayay Booliska Malawi sheegen in lagu soo wargeliyay xogta ah in gaari Tahriibayaal lagu safrinayo inay kusugan yihiin magaalada Kasungu.

Harry Namwaza Afhayeenka Booliska Malawi ayaa warbaahinta u sheegay in ragaan kasoo jeeda Somalia ee 3 da Qof ah iyo ruuxa Ethipianka ah ay Suaal weydiin kuhayaan.

Police ka maysan cadeeyn halka rasmiga ah ay dadkaani kusii jeedeen.