Wararkii u dambeeyay shirka berri ee Golaha Shacabka

14

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya qaar kamid ah madaxda dowlad-gobolleedyada in ay madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Mursal ku cadaadinayaan dib u dhigista kukanka Golaha shacabka ee lagu wado in uu qabsoomo maalinta berri.

Farriin loo diray xubnaha golaha shacabka ayaa waxaa lagu wargeliyay in ay soo xaadiraan kulanka berri oo ajendihiisu yahay xaaladda Coronavirus ee gudaha dalka.

Madaxwayneyaasha wada dedaaladan ayaa waxaa kamid ah madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, sida ay noo xaqiijiyeen ilo ka ag dhow.

Tillaabadaan ayaa la sheegay in looga danleeyahay sidii aysan u dhici laheyn rabshadii sabtidii ka dhacday  Golaha, taasi oo keentay in la baajiyo kulanka Baarlamaanka.

Dhinaca kale, xildhibaano tiradoodu gaareyso 15 oo guddoomiyaha golaha shacabka ka joojiyay soo xaadirada kulamada baarlamaka muddo shan cisho ah ayaa sheegay , in aysan jirin wax sharci ah oo Guddoomiyaha u Cuskaday Go’aanka kulamada looga joojiyay, isla markaana uusan jirin xeer u ogolaanaya inuu gaaro Go’aankaas.