Maxay ka wada hadleen Axmed Madoobe iyo Wakiilka Midowga Afrika?

14

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Labada mas’uul ayaa yeeshay kulan saacado qaatay, kaasi oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii xal looga gaari lahaa ismari-waaga siyaasadeed ee salka ku haya hannaanka doorashada dalka.

Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Francisco Madeira ayaa isla soo qaaday sidii ciidamada nabad ilaalinta AMISOM u sugi lahaayeen goobta uu ka dhacayo shirka loo madlanyahay dhowaan.

Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo la filayo in uu malmaha soo socdo magaalada Muqdisho in ka furmo shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaasi oo looga hadlayo khilaafka doorashada.