Maamulka G/Banaadir oo amarro ganaax lacageed wata kusoo rogay shacabka

0

Mamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray go’aano la xiriira ka hortagga faafida cudurka Coronavirus ee dalka ku soo laba kacleeyay, kuwaasi oo ku socda shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Kulan ay isugu yimaadeen guddoonka sarre ee maamulka gobolka Banaadir oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa looga hadlay xaaladihii u dambeeyay cudurka Coronavirus.

Afhayeen maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xassan Cumar oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in cidii aan xiran Af-xirka (Mask) in laga qaadi doono ganaax lacageed.

“Dadka dhaqan gobolka Banaadir markasta oo ay ka soo baxayaan gurigooda waa iney xirtaan Af-xirka, ruuxii aan xiran waxaa la ganaaxayaa ganaax lacageed oo dhan 5 Dollar, waxaana looga qaadayaa goobta lagu qabtay, hadduu diidana saldhiga u dhow” ayuu yiri afhayeenka

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Goobaha ganacsiga iyo mehradaha la isugu yimaado cid kasta oo soo gasha af xirasho la’aan, waxaa la ganaaxayaa ruuxa leh mehradaasi, waxaana qofkiiba lagu ganaaxayaa lacag dhan 50 Dollar”

Gobolka Banaadir ayaa ah halka ugu badan ee laga helo kiisaska la xiriira xanuunka Coronavirus ee dalka ku soo laba kacleeyay.