Madaxweyne Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho

3

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hadda soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, isagoo ka soo amba-baxay magaalada Kismaayo oo xarun u ah maamulka uu hoggaamiyo ee Jubbaland.

Wafdiga Axmed Madoobe waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka kala socotay xisbiyada siyaasadeed ee dalka iyo saraakiil uu ku jiray Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Soo dhaweyn kadib wafdiga Axmed Madoobe waxaa loo gudbiyey qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cadde, halkaas ayaa lagu wadaa in goordhaw uu warbaahinta kula hadlo, isla markaana uu ka warbixiyo safarkiisan uu ku yimid Muqdisho.

Gelinkii hore ee maanta ayaa ciidamo aad u hubeysan oo hordhac u ahaa wafdiga Axmed Madoobe waxay kasoo degeen garoonka Aadan Cadde, waxaana qoraal uu baahiyey bogga TV-ga Jubaland lagu sheegay in ammaanka madaxweynaha Jubbaland ay sugi doonaan ciidamada AMISOM iyo kuwiisa gaarka ah, inta uu joogo Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkaas in Axmed Madoobe uu degi doono oo hooy looga diyaariyey xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

Safarkan uu maanta Axmed Madoobe ku yimid Muqdisho waxuu ku soo aadayaa, iyadoo saacad ka hor xarunta Xalane oo u dhaw garoonka, isla markaana ay deganyihiin safaaradaha iyo hey’adaha caalamka lagu weeraray hoobiyeyaal, kuwaas oo illaa hadda aan la ogaan in khasaare ka dhashay