MW ku-xigeenka Jubbaland oo booqday xeryaha Ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland

8

Madaxweyne ku xigeenka labbaad ee Dawladd goboleedka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo kormeer shaqo oo afar maalmood qaatay ku tagay deegaanada Waqooyi ee magalada Kismaayo, deegaanada uu Madaxwayne ku xigeenku kormeerka ku tagay ayaa waxaa ka mida Sanguuni,Wirkooy, Buulaguduud Yoontooy iyo Goobwayn.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dawlad goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale kormeeray xerooyinka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanadaas.

U jeedka kormeerkaan ayaa darnaa sidii loogu kuur gali lahaa xaaladda amni iyo nolosha dadweynaha ku nool deegaanadaas, maadama qayba ka mid ah deegaanada Jubbaland ay ka jiraan abaaro saameeyay dad iyo duunyaba.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale shirar kala duwan la qaatay Saraakiisha ciidamada iyo maamulada deegaanadaas oo uu kala hadlay xaaladda guud, isagoona warbixinno kala duwan ka dhagaystay Saraakiisha ciidamada iyo ururada bulshada.

Dowladda Jubbaland ayaa sidoo kale gaarsiisay gurmad raashin ah oo lagaga jawaabayo abaarihii ka dhacay deegaanada uu madaxweynahu kormeerka ku tagay.