Beesha Caalamka oo baaq cusub ka soo saartay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

15

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa soo dhoweeyey wada-hadallada u socda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, oo shalay markii labaad ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay inay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo billaabo wada-hadalladii madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

“Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.