DFS oo sheegtay in xubno ka tirsan Al-shabaab la dilay, hubna laga qabsaday

5

Ciidamo ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaanka Gamboole oo qiyaastii 48 kiilo mitir u jira magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Saraakiil hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in la dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, halka kuwa kalana lagu dhaawacay howlgalka.

Taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska xoogga dalka danab ahna taliyaha ururka 7-aad ee guutada 16-aad dhamme Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) oo la hadlay Idaacad ku hadasha afka ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 10 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawaceen.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanadkale oo ciidan sida uu hadalka u dhigay

Howlgalka ayaa yimid kadib markii ay ka war heleen in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay deegaankaasi Gamboole ku sugan yihiin, islamarkaana ay dhibaatooyin u geysanayaan dadka deegaanka.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa maalmihii ugu dambeey gobolka shabeelaha dhexe kawaday howlgalo lagu baadi goobayo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab