Shiinaha oo shaaciyay khasaaraha ka soo gaarey dagaal uu la galay Hindiya

9

Inta la xaqiijiyay Afar Askari oo kamid ah ciidamada Shiinaha ayaa lagu diley xuduuda ay la wadaagto Hindiya maanta oo Jimca ah, sida ay sheegtay dowladda Shiinaha.

Dagaal dhexmaray wadamada wadamada deriska ee Shiinaha iyo Hindiya ayaa dhacay sannadkii aynu soo dhaafnay ee 2020 isagoona ka dhacay buurta Himalayaan oo labada wadan ay Ku muransanyihiin.

Labadan wadan ee ku hubeysan quwada Nuclear ka ayaa muddo 40 sanno ah waxaa ka dhaxeeya muran dhanka xuduudka ah.

Hindiya ayaa waxay horey u sheegtay in ugu yaraan 20 askari oo Hindi ah ay ku dhinteen intii uu socday iska horimaadkii aagga Galwan Valley.