Puntland oo mamnuucday dadka ka soo laabanaya dibadda ee tagaya degaannadeeda

6

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo Maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in Goobahooda ay joogaan dadka ka yimaada dalka dibadiisa si uusan u fafin cudurka Cronavirus oo soo laba kacleeyay.

Wasiir Jaamac Sigaar ah waxaa uu baq ugu diray Soomaalida ku sugan Mareykanka Yurub iyo dalalka kale ee qaboobaha ah oo uu xilligaan ku badan yahay cudurka COVID-19.

Waxaa uu sheegay sababaha tallaabadaan ay ku qaadeen ay tahay in ay dhici karto inay ka qeybq qaataan  dadka ka imaanaya dalka dibadiisa faafinta cudurka maadaama ay ka imaanayaan dalal uu aad ugu badan yahay cudurka.

Amarkaan kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay uu soo laba kacleeyay Cudurka COVID-10, isla markaana kiisas cusub laga helay meelo kamid ah Puntland.