Kulan looga hadlay Miisaaniyadda ciidamadda oo lagu qabtay Muqdisho

14

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumaddda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan looga hadlayay Miisaaniyadda ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliska ciidanka xoogga dalka.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaali ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa miisaaniyadda ciidamada, waxaaana tani ay qeyb ka tahay dadaallada loogu jiro sidii loo horumarin lahaa miisaaniyadda ciidamada.

‘Kulan muhiim ah oo miro dhalay ayaan maanta la yeeshay Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana ka wada hadalnay Miisaaniyadda ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa”.ayuu yiri Dr Beyle.

Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in muhiimadda 1aad ay siinayaan sidii loo taageeri lahaa ciidamada geesiyiinta ah ee u taagan har iyo habeen difaaca Dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

“Waxa aan u mahadcelinayaa Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ee saaka shirka nagala soo qayb galay”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.