DFS Iyo Talyaaniga Oo Kala Saxiixday Mashruuc Ku Kacaya 3 Milyan Oo Euro

1

Wasiirka Wasaraada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Drs Fawziya Abikar Nur iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi ayaa maantay ku kala saxiixday heshiis ay dowladda talyaaniga ku taageereyso Qaar kamida isbitaalada dalka.

Heshiiskaan ayaa waxa ku kacayso lacag gaarayso 3 Milyan oo lacagta yuurada ah waxaan lagu qaban doonaa baahiyaha isbitaalada ay Wasaarada Caafimaadka gacanta ku hayso. Isbitaalada ay Wasaaradda Caafimaadka gacanta ku haysa ayaa ah kuwa daboola baahiyaha Caafimaad ee dadka Masaakiinta ah ee ku nool xeryahay qaxootiga iyo kaamamka kuwaas oo aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka Caafimaad.

Wasiirka Caafimaadka iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiyo soomaliya ayaa maantay heshiiska ka bacdi booqdeen dhawr qaybood oo ka mid ah isbitaalka Hooyadda Iyo Dhallaanka ee Banaadir waxaana ugu muhiimsanaay qayta Hooyadda iyo Dhallaank.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay inay ka go’an tqhqy sidii ay u dabooli laheed baahiyaha Caafimaadka Assaasiga ee dalka iyo ka hortagga cudurka Safmarka ah ee Corona-Virus (COVID-19) oo maalmahaan dambe soo laba-kacleeyay dhibaata badana ku hayo Bulshadda Soomaliyeed.