Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo diyaarado waday deeq raashin ah gaarsiiyay Degmada Diinsoor

13

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa safar  kooban  oo u jeedkiisu ahaa garab istaaga dadka danta yar ku tagay Degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa seddex diyaaradood oo waday deeq raashin ah oo ka kooban labaatan tan, isla markaana ay si wadjir ah ugu deeqeen Wasiirka iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) gaarsiiyay dadka shacabka ah ee ku dhibaateysan Degmada Diinsoor ee gobolka Baay oo ay go’doomiyeyn kooxda nabadiidka ah ee Al-Shabaab.

Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo dadka danta yar  garsiiyay raashin isugu jira Bariis, Sonkor, Bur iyo Saliid  ayaa ku baaqay in la garab istaago dadka reer  Diinsoor oo uu sheegay inay u baahanyihiin gargaar dhab ah, maadaama ay ka jiraan xaalad beni’aadannimo.

Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Cabdisalaan Xaaji Siidow iyo qaar ka mid ah qoysaska danyarta Deegaanka ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Wasiirka, deeqdan raashinka ah oo ay sheegeen inay kusoo aaday xilli aad loogu baahnaa.

Dhinaca kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha  Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa kulan la qaatay saraakiisha AMISOM iyo Ciidamada Daraawiishta Koonfur galbeed kuwaas oo dowaladda Soomaaliya ka codsaday in la qarameeyo oo ay xuquuq yeeshaan, Wasiirka ayaana dhankiisa ciidamada ku booriyay dadaallada nafhurnimada leh oo ay ku difaacayaan dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn Wasiirka Xanaanada Xoolaha  Soomaaliya ayaa aragtidooda iyo baahiyaha jira ka wareystay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Diinsoor, wuxuuna u ballanqaaday inuu baahiyahooda u gudbin doono Madaxda sare ee dalka.