Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo kulan la qaatay dhallinyarada Beladweyne

0

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusf Axmed Hagar aya kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada magaalada Beledweyne oo uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeyta dhallinyarada iyo maamulka Hirshabeelle.

Qaar ka mid ah dhallinyarada ku dhaqan magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay dhankooda inay diyaar u yihiin sidii ay ula shaqeyn lahaayeen Maamulka Gobolka iyo guud ahaan Hirshabeelle.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusf Axmed Hagar ayaa xusay in Maamulkiisa uu gacan weyn ka geysan doono arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii fursado loo siin lahaa dhallinyarada.