Mareykanka oo joojiyay taageerada dagaalka Yemen

20

Maraykanka ayaa soo afjaraya taageerada uu siiyo xulafadiisa dagaalka ka wada Yemen, colaaddaas oo gashay sanadkii lixaad ayna ku dhinteen sida la rumaysan yahay dad ka badan 110,000 oo qof.

“Waa in la soo afjaro colaadda Yemen,” ayuu yiri Madaxweyne Joe Biden oo jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay ee ku aaddan siyaasadda arimaha dibedda ee maamulkiisa.

Labadii Madaxweyne ee xukunka uga horreeyay Biden ayaa taageero u fidin jiray hawlgalka uu Sacuudiga horkacayo ee ka dhanka ah xooggaga Xuutiyiinta Yemen.

Colaaddaas ayaa horseeday in malaayiin shacabka waddankaas ah ay qarka u saaran yihiin inay gaajo u dhintaan.

Dagaalka u dhexeeya dowladda taagta daran ee Yemen iyo jabhadda Xuutiyiinta ayaa bilowday 2014, waxaana uu sii xoogeystay sanad kadib markii ay xukuumadda gacan ka heshay xulafo 9 dal oo Carab ah, uuna hogaaminayo Sacuudiga, taageerana ka helaya Maraykanka, UK iyo Faransiiska.