Dad la socday gaari ay gubeen Al-Shabaab oo nolal iyo geeri lagu la’yahay.

19

Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa gubay gaari dhuxul sida oo marayay degaan 40 KM u jira degmada Raage-ceelle ee gobalka Shabeelada Dhexe, waxaana nolal iyo geeri lagu la’yahay dadkii la socday.

Qaar kamid ah dadka degaanka ayaa KNN u sheegay in 3 qof oo gaariga la socda aanan war laga heynin. Waxaana dansan teelafanadooda gacanta.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hirshabeelle oo ku aadan dadkaasi ay Al-Shabaab af-duubteen oo aan la garaneyn meesha ay la aadeen.

Dhinaca kale Colaadan oo salka ku heysa dagaal beeleed una dhaceeya laba Beel ayaa ka taagan degmada War-Shiiq, taasi oo khasaare kala duwa uu ka dhashay.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in illaa 20 guri oo iyo dhul beereed 24kii saac ee la soo dhaafay dab la qabad siiyey.

Tuulooyinka ay dhibaatada ka jirto waxaa kamid ah, Warsame Muuse, Moore Garasley, Docol, Cada-bari oo dhamaan hoos taga degmada Warsheekh.

Maamulka dagmada War-Shiiq ayaa oo la hadashay idaacadda Kulmiye ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga maamulka dagmada warshiiq ayaa baaq u diray dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle, in ay gacan ka geystaan joojinta collaad beeleedkan, si aysan ugu fidin deegaano kale.