Wasiir C/Raxmaan Beyle Oo Mar Kale Ka Hadlay Arrimaha Qaadka

19

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay mar kale Arrimo la xiriira qaadka la keeno dalka Soomaaliya, kaasi oo ka yimaada dalka Itoobiya.

Wasiir Beyle oo muuqaal iska soo duubay ayaa waxaa uu ku sheegay in hadalkii shalay u sheegay si qaldan loo farisay, isla markaana uu ka hadlay oo kaliya qaadka hareeriga ah ee ka yimaada Itoobiya oo la xusay in uu xayiran yahay.

Waxaa uu caddeeyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda in aysan jirin cid sigaar ah uu ugu xayiran yahay qaadka hareeriga ah ee la keeno Magaalada Muqdisho, ayna soo dejisan karto cid kasta oo dooneysa inay ka ganacsato.

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in qaab sharci ah loo maro soo dejinta qaadka oo la Canshuuro, isla markaana intaas uu ka hadlay oo kaliya, hayeeshee uusan marnaba ka hadlin qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya oo la joojiyay.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la faafiyay warar kala duwan oo sheegayay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay fasaxday qaadkii ka imaan jiray dalka Keyna oo horey dowladda u joojisay sababo la xiriira Cudurka halista ah ee Coronavirus oo dunida oo dhan saameyn ku reebay.