Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Warbixin loo gudbiyay

27

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta warbixin ka dhageystey guddiga loo saaray in ay ka soo tala bixiyaan sida ugu haboon ee maamulka gobolka Banaadir ula wareegi lahaa xarumaha bixiya adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa goob jog ka ahaa laba guddi oo ka kala socoday gobolka Banaadir iyo Wasiirka wasaaradda caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur waxaaa warbixin looga dhageestay guddiga.

Kulanka waxaa ugu horeen hadal ka jeedisay Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo tilmaamtay in guddiga ay shaqa wanaagsan hayaan ay na soo bandhigeen qeybtii ugu horeeysay.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Cumar Filish ayaa amaanay warbixinta guddiga soo gudbiyeen isagoo sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’antahay maamulida xarumaha caafimaad ee gobolka Banaadir lana hormarindoono .