Wasiirka Shaqada Soomaaliya oo kulamo ka wada dalka Qatar

15

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax oo booqasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku gaaray xilli dambe oo shalay ah magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar,  ayaa galinkii hore ee Isniinta maanta  la kulmay Wasiirka Horumarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dalkaas, Yousef Bin Mohammed Al Othman Fkhroo.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga dhismaha awoodaha waaxyaha Dawliga ah, isku xirka suuqyada Shaqada ee labada dal iyo furitaanka suuqa Shaqada Qatar.

“Waxuu muhiimad u lahaa kulankan dadaallada aan ku dooneyno inan ku xoojino awoodda hay’adaha Dawladda gaar ahaanna Shaqaalaha.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo intaas ku daray “Qatar waa dal muhiim u ah fursadaha shaqooyinka, hadda waxaan kala xaajoonay xirfadlayaasha iyo Shaqaalaha Soomaaliyeed in loo furo suuqa Shaqada ee dalkaas.”

Wasiir Duraan, waxaa socdaalkan ku weheliya saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyadoo muddada ay halkaa ku suganyihiin kulamo la qaadanaya saraakiisha sare ee Dalkaas.