Jubbaland Oo War Kasoo Saartay Dilka Maareeyihii Dekadda Kismaayo

11

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay geerida Maareeyihii hore Dekadda Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose Cawil Cali Barre Cumar oo xalay lagu dilay xaafad ka tirsan Magaaladaas

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Maareeyihii uu u geeridooday rasaas ka dhacday meel ku dhow hoygii uu deganaa Marxuum Cawil Cali Barre oo ka haleeshay qeybaha sare ee jirka.

Jubbaland ayaa sheegtay in Hay’addaha amniga Maamulka ay ku guda jiraan baarista waxa sababay rasaastii dhacday, waxaana tacsi loo diray qoyska iyo Eheladii uu ka baxay Maareeyihii dekadda Magaalada Kismaayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Marxuum Cawil Cali Barre uu ku dhintay israsaaseyn dhexmartay Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Jubbaland, sidoo kalena ay ku dhaawameen laba qof oo shacab ah oo wadada marayay.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo geystay Askar, Ganacsato iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana inta badan falalkaas sheegtay Al-shabaab.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.