Wararka aan ka heleyno magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug waxay sheegayaan in ururka Al-Shabaab ay afduubteen in ka badan 50-gaari oo ay la haayeen dad ku nool magaaladaas.
Qof aan qarinay magaciisa, si aan loo dhibaateyn oo ku nool Xarardheere ayaa KNN u sheegay in Al-Shabaab ay gaadiidkaas dadkii lahaa xoog uga kaxeysteen.
Al-Shabaab ayaa gaadiidkaas ka afduubtay mid ka mid ah laba beelood oo ay diyo u kala qaadayeen, sida uu noo sheegay qofka aan wareysanay ee ku sugan magaalada Xarardheere.
Ururkan ayaa intii ay jireen gacanta ku hayey magaalada Xarardheere oo dhacda Koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, isla markaana ah magaalo muhiim ah, maamulka Galmudug ayaana ku guul-dareystay inay ka xoreeyaan.