Qoor Qoor oo digniin adag u diray ‘dadka buun-buuniya Al-Shabaab’

5

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa digniin adag u diray dadka u nugul amarrada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Galmudug iyo dad uu sheegay inay buun-buuniyaan goobaha ay qabsadaan Al-Shabaab.

“Waxaan rabnaa kuwa dhibaatada argagixisada buun-buuniya, kuwa fariimahooda u hoggaansama oo is leh amey si gaar ah kuu dhibaateeyaan ama qaarkood dano raqiisa ka leh, waxay noola mid yihiin Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Waxa uu sheegay in maamulkiisu uusan ogolaan doonin, in dadka lagu qal-qal geliyo tallaabooyinka ay qaadaan Al-Shabaab, isla markaana farriimahooda iyo dalabkooda aan loo hoggaansami karin.

“Kii xoola ku bixiya, kii waqti ku bixiya, kii u taga, dhibaatada ay dalka ku hayaan ayuu qeyb ka yahay, dadka ayuu dhinaciisa ka dhibayaa, waana la xisaabtameynaa. Kuwa mar kasta yiraahda Shabaab ayaa meel hebla qabsaday, Shabaab ayaa saas yeelay, waa maan-laaweyaal aan garaneyn waxa ay ku hadlayaan, waxuu rabaa cadawgaas inuu dadka u xayeysiiyo, isagoo si xun u fekeray” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hadalkan ka jeediyey kulan tacsi loogu sameynayey saraakiishii ciidanka xoogga dalka ee lagu dilay qaraxii bishii hore ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.