Qarax Bambaano oo caawa ka dhacay Kismaayo

34

Wararka ka imaanaya Magaaladda kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in caawa bambo gacmeed lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ku taala xaafada Dalxiiska ee magaaladaasi.

Inta ogyahay shan qof oo shacab ayaa ku dhaawacan tahay weerarka caawa ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo, sida ay sheegayaan dadka deegaanka

Ciidamada ammaanka ayaa la soo sheegayaa in caawa baaritaano ay ka wadaan halkaasi.

Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo kordhay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaaladaasi.