Isbeddel Lama Filaan Oo Ku Yimid Xiisadii Madaxweyne Erdogan Iyo Macron

23

Madaxweynayaasha Turkey iyo France Recep Tayyip Erdogan iyo Emmanuel Macron ayaa warqado ay is-dhaafsadeen ku ogolaaday inay dib u billaabaan wada-hadallo lagu hagaajinayo xiriirka labada dal, waxaa sidaas shaaca ka qaaday diblomaasiga ugu sarreeya Turkey.

Erdogan ayaa sanadka cusub warqad u qoray Macron isaga oo ka tacsiyeeyey weeraro dhowr ah oo sanadkii tegay ka dhacay France, sida uu wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu u sheegay warbaahinta gudaha.

Macron ayaa toddobaadka kusoo celiyey “warqad aad u wanaagsan” isaga oo ku billaabay “Gacaliye Erdogan” kuna sheegay inuu diyaar u yahay inay wada-kulmaan, ayuu yiri Cavusoglu.

Madaxtooyada Faransiiska ayaa xaqiijisay in labada dhinac ay warqado is-dhaafsadeen, ayada oo aan bixin faah-faahin. Ankara iyo Paris ayaa sanadii tagtay waxay isku qabteen arirmo badan oo caalami ah oo ay ka mid yihiin dagaallada Syria, Libya iyo gobolka Nagorno-Karabakh ee Azerbaijan.

Midowga Yurub ayaa hadda diyaarinaya liis la ballaariyey oo ay ku jiraan shakhsiyaad Turkish ah oo loo cunaqabateynayo gaaska ay Ankara ka qodeyso badda Meditareeniyaanka, meel u dhow biyaha Qubrus.

Xiisadda labada dal ayaa waxaa wehliyey xifaaltanka shaqsi ee labada hoggaamiye.