Hooyo Luul Cismaan oo cadaalad heshay

13

Waxaa maanta wiilkeeda loo sii daayey Hooyo Luul Cusmaan oo afartii sano ee lasoo dhaafay dhibane u aheyd cadaaladda dalka, taas oo maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada aad loogu faafiyey xogteeda.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Xasan Cali ayaa la xiray sanadkii 2017-kii , kadib markii uu iibsaday qori ay dowladdu siisay, maadaama uu ahaa askari ka tirsan, taas oo ay ku kaliftay sida ay hooyadiis sheegtay inuu 8-bilood mushaar la’aan ahaa.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Jaamac oo habeen ka hor hoygeeda ku booqday hooyo Luul ayaa u balan qaaday inuu u soo deyn doono wiilkeeda Xasan Cali oo afar sano maxkamad la’aan u xirnaa dowladda.

Wasiir Jaamac ayaa qoraal uu ku faafiyey bartiisa facebook waxa uu ku yiri, “Ilaahey SW ayaa mahad iska leh oo noo suura geliyey in aan maanta ku wareejino Maamo Luul Cusmaan wiilkeeda Xasan Cali. Waxay nagu qaadatey mudo labo maalin ah si loo soo dhameestiro habraacii lagu deyn lahaa oo sharci ah. Xuseen Cali waxaa ku maqnaa hanti Qaran waxaana bixiyey dad muxsiniin ah.”