Qoor Qoor oo sheegay in uu jawaab ka waayay Madaxda Puntland & Jubbaland

6

Madaxweynaha Dowlad-gobleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in howlihii dhex-dhexaadinta aheyd ee uu ka dhex waday Madaxda dowladda & dowlad goboleedyada Jubbaland & Puntland ay guuldareysteen.

Waxaa uu sheegay in dhex-dhexaadintiisii ay tanaasul badan sameeyeen Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, hayeeshee uu wax jawaab ah ka waayay Madaxweynayaasha Puntland & jubbaland.

” Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo in wali aysan wax jawaab ah kasoo noqon saaxiibadayda Puntland iyo Jubaland dhexdhexaadintii aan halkan u imid iyo natiijadii wanaagsanayd iyo tanaasulkii ay ii muujiyeen Madaxda Qaranka”.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Galmudug waxaa uu sheegay xilli kulan ay isugu yimaadeen Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed & gobolka Banaadir, isla markaana ay ku dhawaaqeen in doorashada la qabanayo.