Khasaare ka dhashay dagaal culus oo ka dhacay gobolka Bari

15

Ugu yaraan seddax ruux ayaa ku dhintay, in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen dagaal beeleed xoog leh oo maanta ka dhacay miyiga degmada Isku-shuban ee gobolka Bari.

Dagaalka oo bilowday subaxnimadii hore ee saakay, waxa la sheegay in uu salka ku hayo dhul daaqsimeed ay beelaha dagaalamaya ku muransanyihiin.

Dagaalka oo saacado badan socday, ayaa goor dhow iskii u istaagay, waxaase laga cabsi qabaa in uu mar kale dib u qarxo, maadaama ay is hor-fadhiyaan labadii malayshiyo beeleed ee halkaas ku dagaalamay.

Xubno ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa la sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanada lagu dagaalamay, sidoo kale waxaa hadda deegaanada ku xeeran Iskushuban ka socda abaabulka waan-waan laga dhex bilaabayo beelaha dagaalamay.