Ururka NUSOJ oo Tababar Magaalada Baardheere ugu Qabtey Wariyayaasha Baardheere(Sawirro)

32

Ururka qaranka suxufiyiinta soomaliyeed ee National Union of Somali Journalists (NUSOJ) oo kaashanaya Ururka Midowga Suxufiyiinta Gobolka Gedo ayaa Magaalada Baardheere ku soo gabagabeeyey Tababar muddo hal maalin ah u soconayey ilaa30 wariye oo ka kala socda warbaahinta Baardheere.

Tababarkani ayaa ku saabsanaa Kaalinta warbaahinta ay ka qaadan karto sida looga hor tegi karo gudniinka fircooniga ah iyo sida uu u xun yahay iyo weliba Guurka deg dega ah iyo guurka xooga ah, tababarkan ayaa muhiim u ahaa suxufiyiintii ka qayb gashay.

Xiritaanka Tababarka ayaa waxaa ka Hadley Maxamed Weli yusuf Qorax oo ah Gudoomiyaha Baardheere,waxuuna uga mahad celiyey
Ururka qaranka suxufiyiinta soomaliyeed ee National Union of Somali Journalists (NUSOJ) qabsoomida iyo abaabulka tababarkani uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Bulshada Deegaanka.

Qabsoomida tababarkaan waxaa Ururka NUSOJ gacan ka siiyay hay’adaha NCA iyo SEDHURO.