RW Rooble oo faah faahiyay u jeedka booqashada uu ku tegay Xerada Balli-Doogle

23

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar shaqo oo lagu dhiirigelinayo ciidanka Xoogga dalka ku tagey Balli-doogle oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku howl-galaan Ciidanka Kumaandooska Danab Guutada 16aad.

Ra’iisul Wasaaraha oo xogwareysi la yeeshay ciidanka, ayaa boggaadiyey guulaha la taaban karo ee ciidanka Danab guutadiisa 16-aad ee sida gaarka ah u tababaran ay ka soo hooyeen dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka lagula jiro Shabaab.

“Waxan idin kugu nimid inaan idin xogwareysano oo dhiirigelinayo dadaalkiina ku addan dagaalka aad kula jirtaan cadowga. Maadaama aan hiigsaneyno mustqabalka dhow in ciidamadeennu ay si buuxda ula wareegaan guud ahaan Amniga Qaranka. Iyadoo shaqo aan ka shaqeynayno dhammeystirka hannaanka ciidanka iyo soo celinta xarumahooda, si aan u soo saarno ciidan u diyaarsan hab casri ah oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan agabka, xirfadaha iyo baahiyahooda ciidan.”

Guutada 16-aad ee Danab ayaa sida gaar ah u tababaran, waxayna fulinayaan howlgallo qorshaysan oo lagu beegsanayo Al-Shabaab, waana ciidan heegan ugu jira sidii ay u soo celin lahaayeen amniga dalka ugana saari lahaayeen Argagaxisada ayaa lagu yiri” War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dowladda Mareykanka ayuu uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaruhu taageerada iyo tababarka joogta ah ee ay la garab taagnayd Ciidanka Danab, isaga oo sidoo kale bogaadiyay dagaalka ay Ciidanka kula jiraan Al-Shabaab.