Ayax farabadan oo ku habsaday degaano ka tirsan Gobolka Gedo

60

Wararka laga helayo degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ayax farabadan uu ku habsaday Dhul Beereed ku yaal tuyulooyin hoostaga degmadaas.

Ayaxa oo raxan raxan u socda ayaa badi ku habsaaday Beeraha ku yaal Jiinka Wabiga Gosha daaqsinka Xoolaha ee Halaqleey, isaga oo baabi’iyay dalagyada Beeraha ku yaala degaannadaas.

Qaar kamid ah Beeraleyda ku nool degaanada hoostaga degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegeen in dalagyo farabadan uu ka baabi’iyay Ayaxa, isla markaana uu dhibaato ku haayo, iyaga oo dalbaday in wax laga qabto.

Maamulka Degmada Dolow Soomaaliya, sida Madaxa Arimaha Bulshada Ismaaciil Macalin Xidig, laamaha Amaanka degmada iyo  Bulshada ku nool deegaannada Dhumadhumay, Surgaduud, Dayax, ayaa siwadajir ah waxaa ay u bilaabeen kicinta Ayaxa, iyaga oo in badan oo kamid ah ku guuleystay.

Hayeeshee waxaa la sheegay in uu jiro Tuulooyin dhowr ah oo uu weli Ayaxa ku haayo dhibaato badan, isla markaana Beero badna oo ku yaal uu ku habsaday uuna baabi’iyay dalagii ku beernaa.