Musharixiinta mucaaradka oo digniin u diray madaxda DFS iyo kuwa maamul goboleedyada

4

Warsaxaafadeed ka soo baxay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal u diray Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Labada Golle ee Baarlamaanka, Xeer Ilaaliyaha, Hanti-dhowrka iyo Madaxda dawlad Goboleedyada.

Xubnqha Musharaxiinta ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu digay Qandaraas shati bixin shidaal oo ay Wasaaradda Batroolka Xukuumadda la gelayso shirkada-Coastline oo horay loo oran jiray Som-Oil iyo shirkada Liberty.

Midowga Musharixiinta waxaa ay sheegeen in DFS aysan geli Karin heshiis shidal qodis ah oo aan waafaqsaneyn Xeerarka Kheyraadka dabiiciga ah ee dowladda Soomaaliya iyo nidaamka heshiisyada Caalamiga ah ee Shidaal barista.