Askari ka tirsan DFS oo dad shacab ah ku dilay Beledxaawo

14

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dad shacab ah dil iyo dhaawac ugu geystay degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.

Goobjoogayaal ayaa MARKABLEY  u sheegay in askariga uu rasaas ku furay mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, gaar ahaan hooyo, wiil ay dhashay iyo darawalkii waday.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhintay, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.

Maxamed Cabdullaahi Xaaji oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa MARKABLEY u xaqiijiyay dhacdadan, isagoona sheegay in gacanta lagu dhigay askariga.