Askar Faransiis ah oo mar kale lagu dilay dalka Maali

17

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Mali ayaa sheegaya in weerar dalkaas ka dhacay lagu dilay askar Faransiis ah

War kasoo baxay madaxtooyadda Faransiiska ayaa lagu sheegay in ciidamada Faransiiska ah wadada loo galay kadibna lagu qarxiyay miino wadada lagu aasay ayagoo ku safrayay gobolka Maneka la yiraahdo oo bariga Mali ku yaala.

Askari kale ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay weerarkaas.

Koox hubeysan oo dalkaas ka dagaalanta oo Al-Qacida ku xiran ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Qiyaastii 5 kun oo askari ayaa Faransiis ah ayaa jooga dalka Mali kuwaasoo ciidamada dalkaas ka caawiya dagaalka ay kula jiraan kooxaha hubeysan ee dawlada ku kacsan