Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu dad shacab ah dil iyo dhaawac ugu geystay degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.
Goobjoogayaal ayaa MARKABLEY u sheegay in askariga uu rasaas ku furay mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, gaar ahaan hooyo, wiil ay dhashay iyo darawalkii waday.
Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhintay, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.
Maxamed Cabdullaahi Xaaji oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa MARKABLEY u xaqiijiyay dhacdadan, isagoona sheegay in gacanta lagu dhigay askariga.