Xildhibaanada Golaha shacabka oo meelmariyay miisaaniyada 2021

6

Xildhibaanada golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarruuntooda Muqdisho ayaa cod aqlibiyad leh ku meelmariyay miisaaniyada dowladda ee 2021.

Kulanka oo uu shir guddoomiyay guddoomiye ku-xigeenka ee labaad Golaha Mahad Cabdalle Cawad ayaa waxaa ajendihiisu yahay:

1. U codeynta Qoondada Miisaaniyadda 2021

2. Wax-ka-badelka Sharciga Lagu Dhisay GMDQ LR.04

3.Akhrinta 3-aad H/Sh Nootaayooyinka

4. Akhrinta 2-aad ee H/Sh Hay’ada Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaalia

145 xildhibaan oo soo xaadirtay kulanka ayaa dhamaantood u codeeyey miisaaniyadda, mana jirin mid diiday ama ka aamusay ansixinta miisaaniyadda dowladda ee 2021-ka.

Kulanka lagu ansixinaayey miisaaniyad sanadeedka 2021-ka ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka ah Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, isagoo xildhibaanada uga mahadceliyay ansixinta miisaaniyada dowladda ee sanadka 2021.