Goodax Barre Oo Farriin Hanjabaad U Muuqatay U Diray Madaxda Dowladda

12

Wasiirkii hore Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdulalahi Goodax Barre ayaa si kulul kaga hadlay arimo dhowr ah oo la xariira siyaasadda dalka, gaar ahaan waxyaabaha hadda taagan ee ku aaddan marxaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Goodax Barri ayaa si kulul uga hadlay Xaaladda Gobolka Hiiraan, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’doomin iyo cabburin Siyaasadeed ku hayso Gobolkaasi, gaar ahaan Magalada Caasimadda ah ee Baladweyne.

Waxa uu sheegay in dowladdu ay cunaqabateysay Gobolkaasi, isagoo intaas ku daray in aan la isaga hari doonin falalka gurracan ee dowladda Soomaaliya ka waddo Gobolkaasi Hiiraan, waxaana uu carrabka ku dhuftay in Maxkamad la isla tagi doono, oo aan si fudud looga hari doonin Qalalasaha siyaasadeed ee Dowladdu ka waddo Hiiraan.

Dowladda ayuu ugu baaqay in ay arrintaasi ka waantowdo, ayna awoodddeda u adeegsan Shacabka Gobolka Hiiraan, isagoo ugu baaqay Ciidanka AMISOM in aysan ku milmin Siysaadda is diiddan ee Gobolkaasi.

Xaaladda Siyaasadeed ee Gobolka Hiiraan ayaa u muuqata mid qasan, oo ilaa hadda aan yeelan sal fadhiya, waxaana tan iyo markii Madaxweyne  uu ka Noqday Hir-shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen soo baxayay Jabhado kasoo hor jeeda maamulkiisa.