Guddoomiye Mursal oo hambalyo u diray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed

4

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku  simaha madaxweynaha Soomaaliya ahna Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa Ciidamada  Booliska Soomaaliya  ugu hambalyeeyay sanadguurada 77-aad ee ka soo wareegatay aas aaskooda  , taas oo ku beegan maanta 20-ka December.

Guddoomiye Mursal ayaa waxa uu ku bogaadiyay doorka wanaagsan ee Ciidmada Booliiska  Soomaaliyeed ka qaadanayaan sugida amniga guud ee dalka.

Gebi ahaanba qaybnaha kala duwan ee ay ka booban yihiin Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed sida Taliyeyaasha, Taliye Xigeennada, iyo guud ahaan qaybaha ay ka kooban yihiin ugu hambalyeeyay maalinta weyn ee u gaarka .

Sanadkii 1943 maanta oo kale ayaa la aas aasay Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, sanad walba maanta oo kale ayaa waxaa laga xusa qaybo ka mid ah dalka.