Wafdiga ka Socday wasaaradda gaashaandhiga ee Dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya
Xubnahan ka Socday wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Turkiga inta ay ku suganyihiin magaalada Muqdisho waxay kulamo la qaadan doonaan Masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka xoogga dalka.