Ciidamada DFS oo la wareegay deegaano ka tirsan shabeellada Hoose.

9

Ciidanka kumandooska Gorgor ee xoogga dalka ayaa saaka Alshabaab kala  wareegay degaanka Gendershe, ee gobolka Shabeelada hoose.

Taliyaha ciidanka lugta Janaraal Maxamed Tahliil Geedi, ayaa hor kacaya howlgalka saaka ciidanka ku qaadeen degaanka Gendershe oo ay shacabka ku dhibaateyn jireen Alshabaab.

Wararka waxay intaas ku darayaan in ciidanka si nabad geliyo ah kula wareegeen degaanka, dagaalameyaasha Alshabaab ayaa isaga cararay ka hor inta aan ciidanka soo gaarin.

Degaanka Gendershe, waxaa uu ka tirsan yahay degmada Marka ee xarunta gobolka, waa degaan dadka ku dhaqan u badan yihiin kalluumeysato.