Wararka Wasiirka Arrimaha Gudaha & Odayaasha Dhaqanka G/Hiiraan oo heshiis ka gaaray xiisada Beledweyne

21

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta kulan ku yeeshay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax oo shalay gaaray halkaas iyo qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadlayeen sidii loo dejin lahaa xiisada ka dhalatay safar la sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu ku tegi lahaa Magaalada Beledweyne, taas oo sababtay in saakay ay dagaalamaan Maleeshiyaadka diidan safarkaas oo uu hoggaminayo sarkaal lagu Magacaabo Abuukar Xuud & Ciidamada Booliska eek u sugan Beledweyne.

Wararka kulanka laga helay ayaa waxaa ay sheegayan in Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya  Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax iyo qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ay ku heshiiyen Afar qodob loo lagu dejin karo xiisada ka taagan Beledweyne, kuwaas oo kala ah.

1: In Wasiirka Arrimaha gudaha uu Odayaasha u ballan qaaday in Madaxweynaha Hir-Shabeelle tegi doonin Beledweyne ilaa xal laga gaaro khilaafka jira iyo tabashada ay qabaan Reer Hiiraan.

2: In Ciidamada Dowladda aysan awood Ciidan u adeegsan doonin dadka diidan dhismaha Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle, kuwaas oo maalamahaan banaanbaxyo ka waday Magaalada Beledweyne.

3: Wasiirka Arrimaah Gudaha ayaa Odayaasha Dhaqanka ka dalbaday inay xiisada dejiyaan sidoo kalena ka qeyb qaataan sidii loo furi lahaa wadooyinka ay xireen dadka banaanbaxa ka dhigayay Magaalada Beledweyne.

4: In Odayaasha Dhaqanka ay Wasiirka u keenaan Warqad ay kusoo qorayaan tabashada ay ka qabaan Maamulka Hir-Shabeelle si uu ugu gudbiyo Madaxda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan siweyn looga dareemayay xiisada dagaal oo ka dhalatay markii Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed uu Beledweyne ka sheegay in  uu tagayo Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe si loogu caleemo saaro, hayeeshee ay kasoo horjeesteen maleeshiyaad uu hoggaaminayo Janeraal Abuur Xuud oo kamid ahaa musharixiintii isaga haray tartanka Madaxweynaha Hir-Shabeelle.