Madaxweynaha Mareykanka oo dalabkiisii ugu horeeyey u direy Dadweynaha Mareykanka

22

Madaxweynaha Ladoortey ee Dalka Mareykanka mr Joe Biden ayaa ka dalbaday guud ahaan Shacabka Mareykanka in ay qaataan Af daboolka 100 Maalin ee ugu horeysa oo Xafiiska Aqalka cad uu joogo.

Madaxweyne Bidan ayaa ku andacoodey in arintaasi uu aaminsanyahay in ay hoos u dhigi karto tirada Dadka Ameerikaanka ah ee maalin walba uu ridaneyo Cudurka Caalimiga ah ee Kofid-19.

Bidadhan ayaa yiri; isaga oo wareysi gaar ah siineyey Muuqaal baahiya CNN ee laga leeyahay Dalka mareykanka Af daboolka waa waxaa ugu muhiimsan ee looga hortagi

karo korarka Kiisaska Karoona Feyrus ee Gudaha mareykanka, sidaasi daraadeedna uu ka codsaneyo Dadweynaha in ay qaataan Dalabka uu u jeedineyo.

276,0000 oo qof ayaa gudaha Mareykanka ugu geeriyootey Cudurka dilaaga ah ee Karoona Feyrus halka ay qaadeen in kabadan14.1 Million oo Ruux sida ay warisey Jaamacada Hope king.

Dhinaca kale madaxweyne Biden ayaa waxaa uu sheegey intii wareysiga uu soconeyey in ay isaga iyo ku xigeenkiisa Kamala Harries ay Shacabka Tusaale u ahaan doonaan oo ay 100 Maalin iyaguna qaadan doonaan Afdaboolka